http://www.daruur.com/qaamuus

email to someone printer friendly create pdf of this news item
Tuesday 09 March 2010 - 15:49:58

shariika oo ku sugan 10 downt St

Posted by yasin in Wararka dalka




email to someone printer friendly create pdf of this news item
Tuesday 09 March 2010 - 15:21:09

Britain: Booqashada Madaxweyne Shariif

Posted by yasin in Wararka dalka
















Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisu, waxay shalay kulan la qaateen ra'iisul-wasaaraha Britain Gordon Brown iyo xoghayihiisa arrimaha Dibedda David Miliband.

Wasiirka arrimaha Dibeda ee Somalia, Cali Axmed Jaamac Jangali oo VOA-da u warramay, ayaa sheegay in kulankii ay la qaateen mas'uuliyiinta Britain ay ugu gudbiyeen istiraatiijada Somalia xal looga gaadhi karo iyo kaalinta ay Britain ka qaadan karto xasilinta Somalia. Jangali wuxuu sheegay in Gordon Brown uu madaxweyne Shariif ka codsaday sidii loo furdaamin lahaa siideynta lamaanaha Britain ee lagu haysto Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Shariif, wuxuu khudbad dheer ka jeediyay Machadka daraasaadka caalamiga ah ee Chatham House. Khudbadaasi wuxuu Shariif uga xog-warramay xaalladaha kala duwan ee dalka Somalia, sida dagaallada, argagixisada, burcad-badeedda.

Shariif wuxuu sheegay in dadka Soomalida iyo beesha caalamku ay ka gaabiyeen waxkaqabashada dhibaatada Somalia, iyadoo dhamaan dadaalladii la doonayay in Somalia lagu caawiyo ay ahaayeen kuwo kala dhantaalnaa. Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in xal la'aanta Somalia ay keentay in fikradaha Al-Qaacida ay u soo gudbeen Somalia.

Madaxweyne Shariif, wuxuu khudbadaasi mar kale ku eedeeyeey Eritrea kaalinta ay ku leedahay dagaallada Somalia.

Warbixin dheer oo ka hadlaysa booqashada madaxweyne Shariif ee Britain ka dhagayso qeybta hoose ee qoraalkan
email to someone printer friendly create pdf of this news item
Saturday 06 March 2010 - 16:44:00

Dagaallo ka Dhacay Galguduud

Posted by yasin in Wararka dalka



Dagaalka inkastoo uusan haatan socon waxaa uu ka dhacay deegaano u dhexeeya Camaara iyo Bacaadweyn, xiisada iyo kala shakiga labada beelood ee dirirtu dhexmartay waa mid taagan, maadaama ay weli is horfadhiyaan maleeshiyooyinkii diriray.

Maxamed Cabdi Aadan oo ka tirsan odayaasha deegaanka Camaara oo VOA u warramay ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inaanu jirin wax weyn oo dhexmari kara labada beelood oo aan ka ahayn deegaano lagu murmo. Arrintaasoo uu sheegay inay weligeed oo soo taagneyd.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee labada beelood ee kala dega deegaanada Camaara iyo Bacaadweye waxa uu dhacay maalintii Khamiista ahayd kaasoo dhaliyay khasaare naf iyo hantiba leh. Dad badan oo rayid ah ayaana ku barakacay.

Cabdi Maxamuud Weheliye oo ku sugan deegaanka Bacaadweyne ayaa VOA u warramay ayaa dhinaca kale ku eedeeyay maleeshiyooyinkooda inay soo weerareen deegaan ay iyagu deganaayeen.

Waxana uu sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 15 ruux labada dhinac.

Deegaanada Camaara iyo Bacaadweyne oo isu jira qiyaastii 6km ayaa kala hoostaga maamulada Ximan iyo Xeeb iyo Gal-Mudug.

Isu dhowaanshahaasi darteed iyo iyadoo aan jirin dadaal lagu kala dhexgalayo labada dhinac maleeshiyooyinkuna ay isu muuqdaan ayaa keentay in weli laga cabsi qabo dagaal inuu mar kale ka dhex dhaco labada dhinac.

Hase yeeshee C/laahi Maxamed Dhoore oo ka mid ah odayaasha beesha degta deegaanka Camaara ayaa ku baaqay in colaada la dhammeeyo.
email to someone printer friendly create pdf of this news item
Monday 01 March 2010 - 16:21:17

Al-Shabaab oo laga mamnuucay Britain

Posted by yasin in Wararka dalka













Dowladda Britain ayaa mamnuucday ururka Al-Shabaab, kuna tilmaamtay inuu yahay urur argagixiso



Xoghayaha Arrimaha Gudaha Britain Alan Johson ayaa soo saaray go'aan dalka Britain looga mamnuucayo ururka Al-Shabaab. go'aankan ayaa lagu sheegay in ururka Al-Shabaab uu ka mid yahay ururada Argagixisada caalamiga ah.

Go'aankan ayaa qoraya in wixii maanta ka danbeeya gudaha Britain ay mamnuuc ka tahay in laga taageerro ama lacago looga uruuriyo ururka Al-Shabaab. Alan Johson wuxuu sheegay in qaadashada go'aankan ay aad ugu adkayd, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in go'aankani yahay mid lama huraan ah. Go'aankan ayaa la horgayn doonaa baarlamaanka Britain si ay u ansixiyaan.

Xukuumadda Somalia ayaa soo dhaweysay go'aankan. Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Maxamed C/laahi Oomaar ayaa VOA-da u sheegay in go'aankaasi yahay mid wax weyn u taraya arrimaha Somalia.

Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar oo ah saxafi rug caddaa ah kuna nool dalka Britain ayaa sheegay inay dhici karto in go'aankan uu saameyn ku yeesho Somalida degan Britain, isagoo sheegay in dowladdu ay dhawaanahan ka cabsi qabto in bulshada Somalida ay ku soo dhex-dhuuntaan dad doonaya inay halis galiyaan Britain.

Go'aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan dalka Britain uu ku soo wajahan yahay madaxweynaha Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Go to page       >>  

Poll


Soomaalida maxaa haysta



Jahli

Xasad

Bedawnimo

Ma ogi



Posted by daruur
Votes: 14 Comments: 0
Previous polls

Welcome

Username:

Password:


Remember me

[ ]
[ ]
[ ]

Online

Guests: 2, Members: 0 ...

most ever online: 42
(Members: 0, Guests: 42) on 07 Dec : 04:04

Members: 5
Newest member: qasimow
© Copyright 2009 Daruur press